Sedex Cadaw baa jiray
Inkastoow Caadil jiray
Oo ciriiri gilin jiray

Labo waa la cirib tiray
Cilimi iyo wax laga baray
Cirka waa taa loo kacay
Lacaraabiyay gaajo
Ceer xoolaa laga dhaqay

Hayeeshee cadka udaran
Weli ceemo loo waa
Culimada wey, aduunkee
Caafimaadka baadhay
Cudurada la dabargoon
Caashaqa halagu daro

Caynka midibka gumaysiga
Hadba ruux cunaha qabay
Oo ciirsina udiid

Cidle kaligii la beer
Hadii loo calaacalo
Mayaqaano cabasho
Taa waxaa cadayn kara
Intuu curadi naga dilay

Cakuye waxaa ka sii daran
Caraduu inoo qabo
Culimada hooy, aduunkee
Caafimaadka baadhay
Curudada la dabargoon
Caashaqa halagu daro

Exit mobile version