bartaad igaga taalee tan kale dawaynayn
midi bogsiin hadaad tahay axdiguna bir
kula yahay
balantii aan dhiganaba waligaa ha beenayn
barashadii kalgacaylkuna bilaash yaanay
kula noqon
marse hadaan bar baartii baxsanow daraada
uga soo banaan baxay cidla ha igu baylihin
balankii ilaahay sharaf kugu haboonayd
bilaneey hadaan heli hawo buura ii timid
sow badi hablaha qaar bilad kuuma siiyeen
sow badhkeed aduunyada kaagama dhigeen boqor
balse waxaad ogaataa inaan bayd iyo hodan
iyo meel barwaaqa a ugu baaq isleeyahay
boholyow daraadii badhtamaha habeenkii
sow ma soo baraarugo o bogaygu kuma tabo
beerkiyo wadnuhu ani sow ima babanayaan
adaa baday jacaylkee haraadkiiba kama bi in
badbaadadii naftaydaay farxadaan is baranaay
niyad lagugu beeraa soo booqo igu tidhi
sow beel nimca iyo bulsho caafimaadeed
raxma inaan ku kulanaa beerkayga kuma hayn

Exit mobile version