VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Beerka - Lyrics

Sida sida dayr barwaqa Ah bartamaha mirodkay Barqadii markay tahay Boholaha rogmanayaan X2 Geesiyadana doogiyo Cayadiyo baldhooluhu Meel xoora leeyihiin Nabad beeshu ay tahay X2 Xoolahana barwaaqa Ay baahsan yihiinoo Bahal laga cabsonayn Bartaa looga hoydaa X2 Badi geelu uu dhalay Baalcasaha nirguhuna Baarqab kiisa doobida Barqa dheer ku toosaan X2 Dhalinyaradu boodada Batarkiyo ciyaaraha Isu baaqayaanoo Casarkii bilaabaanee X2 Berigaa samaanta leh Sida loogu bogay baan Ana kuugu baahnahay Sida Loogu bogay baan ana Kugu baahnahay beerka Beerka beerkaad iiga Taalaa x2 Sida sida webi baladh Naa markii horana Buuxoo buga oo bariida Ah dhowr bari kuda'ayoo X2 Buurihiina soorogay Baalihiisa doogii ka Baxay udgoonkii isha Isha buuxiyaan x2 Bilic sami ku deeqaa Biciidkiyo maroodigu Ay badan yihiinoo Ku bardootamaayaan X2 Iyagoo balaayo la' kay Maha dhex boodaan Bidhaantooda muuqana Farxad inagu beeraan X2 Baalalaydu dhinacyada Hadba baal uduuleen Shimbiruhuna buul Buul cirka baal taxdeeno X2 Berigaa samaanta leh Sida loogu bogay baan Ana kuugu baahnahay Sida Loogu bogay baan ana Kugu baahnahay beerka Beerka beerkaad iiga Taalaa x2
Queue is empty
-- / --