VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Beerka mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Saado cali Warsame
Beerka

Sida sida dayr barwaqa
Ah bartamaha mirodkay
Barqadii markay tahay
Boholaha rogmanayaan
X2

Geesiyadana doogiyo
Cayadiyo baldhooluhu
Meel xoora leeyihiin
Nabad beeshu ay tahay
X2

Xoolahana barwaaqa
Ay baahsan yihiinoo
Bahal laga cabsonayn
Bartaa looga hoydaa
X2

Badi geelu uu dhalay
Baalcasaha nirguhuna
Baarqab kiisa doobida
Barqa dheer ku toosaan
X2

Dhalinyaradu boodada
Batarkiyo ciyaaraha
Isu baaqayaanoo
Casarkii bilaabaanee
X2

Berigaa samaanta leh
Sida loogu bogay baan
Ana kuugu baahnahay
Sida

Loogu bogay baan ana
Kugu baahnahay beerka
Beerka beerkaad iiga
Taalaa x2

Sida sida webi baladh
Naa markii horana
Buuxoo buga oo bariida
Ah dhowr bari kuda'ayoo
X2

Buurihiina soorogay
Baalihiisa doogii ka
Baxay udgoonkii isha
Isha buuxiyaan x2

Bilic sami ku deeqaa
Biciidkiyo maroodigu
Ay badan yihiinoo
Ku bardootamaayaan
X2

Iyagoo balaayo la' kay
Maha dhex boodaan
Bidhaantooda muuqana
Farxad inagu beeraan
X2

Baalalaydu dhinacyada
Hadba baal uduuleen
Shimbiruhuna buul
Buul cirka baal taxdeeno
X2

Berigaa samaanta leh
Sida loogu bogay baan
Ana kuugu baahnahay
Sida

Loogu bogay baan ana
Kugu baahnahay beerka
Beerka beerkaad iiga
Taalaa x2

codkii Saado cali Warsame