VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Calaf Waa mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Saado cali Warsame
Calaf Waa

Cir guduuda waagiyo
Timirtoo casaatiyo
Canabka oo bislaadiyo
Cilara isubaxayee
X2

Doonbir caano galis
Iyo ubax caynba cayn
Iyo waxaad tahay cad
Ceedoo x2

Beeraha cagaarka leh
Cambaha iyo caadkii
Ku cadaysay nuurkii
X2

Calaf waa calaf waa
Ahahahahahahaha
Calaf waa calaf waa
Halkiisee caashaqan
Iskeen iskeen baray
Cawadii aduunkaay
Igu curay sidii roob
X2

Haduu caawa iguyidhi
Bada cagaha galiyoo
Timaha caarada usooh
Soo xidho cunaabiga
X2

Sadax qayd cartii loon
Wali caarad jabin iyo
Cambarsho iyo laasimo
X2

Sintii ceerigaabiyo
Haduu cududa iisudhay
Ila caarid anigee x2

Calaf waa calaf waa
Hahahahahahahaa
Calaf waa calaf waa
Halkiisee caashaqan
Iskeen baray haygu
Carinin anigee ku cug-
Taye ma nabad baa
X2

Hogol curatay dayroo
Curur cidhif yadiisiyo
Coodana ku hoortoo
Intay xaadhay caymaha
X2

Cosobkiyo barwaqada
Cidii nabad ku daaqdiyo
Farxad lagu caweeyoo
X2

Xiskimooday cuudkii
Ayaad ii cajabisee
Xidigtii cirjiidhaay
X2

Calaf waa calaf waa
Hahahahahahahaha
Calaf waa calaf waa
Halkiisee caashaqan
Iskeen iskeen baray
Cawadii aduunkaay
Igu curay sidii roob
X2

Caanyo nacasa moye
Gaaridu macaasido
Curadkii hagaagee
Ciida ushaqeeyee
X2

Dalka caabiyaayee
Sida caynkan aad
Tahay cudurkana
Daweeyee x2

Haduu yidhi cuntada
Daa hacabine biyaha
Diid cudur weeye halis-
Ee x2

Calaf waa calaf waa
Hahahahahahahaha
Calaf waa calaf waa
Halkiisee caashaqan
Iskeen baray haygu
Carinin anigee ku cug-
Taye ma nabad baa
X2

codkii Saado cali Warsame