Saado Ali

Sida dhool guyoo da’ay
Dhirtu ubaxa bixisoo
Dhulku wada dhalaaloo
Xooluhu dhaleenoo
Dhayda iyo subaggii
Dhitadii u taaloo
Dhallinyaradu joogtoo
Dhaantada ciyaaraha
Dhammaan laysla tumayoo
Ayaad iiga dhigantoo
Labta kula dhacaysee
Dharaartii la joogaba
Waan kugu dhadhabayaa
Hayga dheeraan
Dhabta i saar

Shumeeri

Dhirta oo magooshiyo
Ciiddoo dhibic ku hoortoo
Dhammaan rays ka soo baxay
Oo dhebiga laamuhu
Dhinacyadu u liiceen
Shimbiruhu dhawaaqiyo
Qayladu is dhaafshaan
Nimcadaa dhitowdoo
dhammi loo han weyn yahay
Ayaad iiga dhigan too
Laabtaa kula dhacaysee
Dharaartii la joogaba
Waan kugu dhadhabayaa
Hayga dheeraan
Dhinaca isaar
Saado Ali

Dhan kastaba adduunyada
Waxa laysku dhaafaa
Ama lagu dhaqmaayaa
Lagu dhalaa carruuraha
Dhismaha caashaq weeyaan
Anigana dhibkaygiyo
Dhiilladan i haysaa
Dhabtii waxan tirsanayaa
Waa adi dhankaagee
Amba kuguma dhaafeen
Hadday dhaawacaa tee
Dharaartii la joogaba
Waan kugu dhadhabayaa
Hayga dheeraan…
dhabta i saar

Shumeeri

Beerkey dhambalanoo
Dhuuxaygaa shubmaayoo
Dhiiggay qulqulayoo
Dhibtu maaha kelidaa
Waase lagula dhinacyaal
Dhabbadaan maraayiyo
Kolka aan dhaqaaq tebo
Dhammi waaxyahaygiyo
Dhimirkaygu adiguu
Dhabtii kula hayaayoo
Dheellalowga ugu wacan
Dharaartii la joogaba
Waan kugu dhadhabayaa
Hayga dheeraan
Dhabarka isaar
Dhabta isaar

Exit mobile version