ruuneey taan u riiqmayeey
ruuneeymidii aan rabaay
ruuneey raxmadii naftaay
ruuneey raasamaalkiiyeey

ruuneey labadeena ruux
ruuneey inay raas wada dagaan
ruuneey waa sidaan rabee
rabow reerkeena daa

rooblow roob soo da'aw
rooblow dhulka rays lahaw
roobloow ramas koo baxoo
rooblow reexaan udgoon

roobloow kaa raadiyee
roobloow naftu raacdayaw
rooblow raga ugu wacnow
rroblow ruuxaa rabaw

ruuneey riyadaydii aan
ruuneey u daraariyaay
ruuneey raaxiyo udgoon

roobloow rubadiyo wadnaha
rooblow kaan ka raaridow
roobloow ramashada jacayl
roobloow ku dul reemayoo

Exit mobile version