Macaariif is celiyoo
Ma huraan walaalihii
Haday kala maqnaadaan

Maankiyo qalbigoodu
Way isku soo muuqdaanoo
Kala maarmi maynee

Waxa loo maleeyaa
Hadii aynu kulanee
Waxa loo maleeyaa
Hadii aynu kulanee

Inta aan is moognahay
Mawjadaha heesa
Inta aan is moognahay
Mawjadaha heesa
Salaan macaan
Salaan macaan
Kuu soo diraayaa
Maqla oo gudooma

Meel aynu joognaba
Mahdiyo barwaaqiyo
Mayay iyo naq rooba

Farxad loo mashxaradiyo
Maasha alehbaan
Aan ku caano maalnee

Hanadbaa inoo xidhan
Inta mawd la aadnee
Hanadbaa inoo xidhan
Inta mawd la aadnee

Inta aan is moognahay
Mawjadaha heesa
Inta aan is moognahay
Mawjadaha heesa
Salaan macaan
Salaan macaan
Kuu soo diraayaa
Maqla oo gudooma

Kuwa maamulaayiyo
Saacadaanu mahad niqi
Hadacood ha raagee

Marka lagama tuugaa
Been kumaa qaadin caanahee
Aan muujinaa nahee

Taageerka dunidaa
Hawadaa maqlaayee
Taageerka dunidaa
Hawadaa maqlaayee

Inta aan is moognahay
Mawjadaha heesa
Inta aan is moognahay
Mawjadaha heesa
Salaan macaan
Salaan macaan
Kuu soo diraayaa
Maqla oo gudooma

Wixii maanta joogiyo
Nin reer leh soo maray
Arimahan muhiimka

Waa macalin kuu dhiga
Murtidiyo taariikhda
Soo marinayaanee

Taageerka dunidaa
Hawadaa maqlaayee
Taageerka dunidaa
Hawadaa maqlaayee

Inta aan is moognahay
Mawjadaha heesa
Inta aan is moognahay
Mawjadaha heesa
Salaan macaan
Salaan macaan
Kuu soo diraayaa
Maqla oo gudooma

Exit mobile version