tookadaydaan la tisaynoo
tu kalaan qaban taana daayoo
ii tali ii tali aniga ii tali
iyada tuuroo aniga ii tali

maxaan kuu talin qoonta igu taal
taad i yeeshaa i hor taagine
aniga ha i tabin ha i tabin
isla taliyoo aniga ha i tabin

waa tabaalee taws anoo qaba
adna tay xidhan aad ku tamashlayn
ii tali ii tali aniga ii tali

qalbi kaa tagay looma taag helo
taa ku leeyoo tiir inoo yeel
ha i tabin ha i tabin aniga ha i tabin
isla taliyoo aniga ha i tabin

waan ku toliyoo waan ku taabiye
ama tuugyahaw waan ku toogane
ii tali ii tali aniga ii tali
iyada tuuroo aniga ii tali

kolna taagtaa kolna tamartaa
iigu taaboo ana ha ii tudhin
ha i tabin ha i tabin aniga ha i tabin
isla taliyoo aniga ha i tabin

Exit mobile version