hadaan noqon lahaa ilays
adaan ku iftiimin laa
waxaan istareexi lahaa
ayaantaad faraxsantoo
agtaada kama tagtaan

waxaan amri lahaa indhaha
dartaa inay liqbaan
intaan ubax soo guroo
dushana kaga qoro ayaan
xurmooy odhan lahaa gudoon

abuurtaadiyo ilwaadka
ishii aragtaa la yaaban
waxaad leedahay ishaarta
ehelka janadiyo fardawsa

hadaan heli lahaa awood
dhibtaan kaa awdi laa
waxaan ku ilaalin laa
sidii ubad aan dhaloo
adaan ku ag joogi laa

waxaan wada oofin layn
axdigiyo balantaan galnoo
intaan eray eray u qoro
amaantaad leedahaan
aduunka ku baahin laa

Exit mobile version