dhawacii ku gaadhaba
anba waa i dhibayo
markaad yara dheelidaba
anba waa dhutinaya

dhamacdiyo kulaylahaa
sibaan kuula dhididaa
markaad ii dareentana
naftu saw ma dhaxmooto

wareega dhiigiyo ah
dhaqdhaqaaqa wadnaha
dhab ula shaqaysaayo
waxan nahay dhud kaliya

xididada dhamaan iyo
adaa dhuuxa raaco
sidii waxa la iiga dhigaa
igu dhex nooshahay wiilow

dhankastoo la eegaba
dhabtii waan ka saminahoo
labada isku dhaatiyo
waxaan nahay dhig iyo udub

Exit mobile version