awlaad caashaqoo
is adeecda oo
aduunyada filkood
iska soo xushaan nahay
ugub laba is doortoo
isku daacadoo
inta uu kalgacal
uuurkooda dagay
iska eegtay baan nahay
ubax gayaaniyo
aynigoodba
laba iska soo xushiyo
arwaax laba is ogol
oo mideeyay
dookhubaa nahay
ilays soo iftiimoo
indhahayga deeqoo
aan ku oogsadaa tahee
aayahayga dambena
adigaan ku siiyyee
istareexa noloshiyo
ila qaybso caashaqa

ehel caashaqoo
isku uursamoo
aadmiga dhamaan
iska eegtay bana nahay
ifka laba is jeceloo
isku dhaadanaayoo
axdigooda iyo
isku dhiibtay wacad
isku soo hirtaan nahay
ubax gayaaniyo
aynigoodba
laba iska soo xushiyo
arwaax laba is ogol
oo mideeyay
dookhubaa nahay
ilays soo iftiimoo
indhahayga deeqoo
aan ku oogsadaa tahee
aayahayga dambena
adigaan ku siiyyee
istareexa noloshiyo
ila qaybso caashaqa

Exit mobile version