naf jacayl ku nagi yahay
nabarada kalgacalkuna
unta ay nugleeyeen
nasanaynin ban ahay
oo naawilaysaa xagaagoo
niyadsami kalgacal
kugu naadinaysoo
nawaaleey hurdada
la,aantaa nasbanaynin baan ahay
noolahaba ruux kuu jecel
niyadiisana aad ku taal
naxli laguma beeroo
nuxurkiisa cashaqa
ila naaxiyoo
nawaal igu lamaanoow

xiisaha nisbooniyo
ku nagaaday maankiyo
ku lingaxan dareenkii
nudayaasha beerkiyo
niyadayda saaqee
ee naruuradiisaa la liitiyo
naafada kalgacal
noogadiisa ba,an
nitaaqan la noolee
nawaaleey kaa noogin baan ahay
noolahaba ruux kuu jecel
niyadiisana aad ku taal
naxli laguma beeroo
nuxurkiisa cashaqa
ila naaxiyoo
nawaal igu lamaanoow

Exit mobile version