VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ahaw - Lyrics

Waxaad tahay darjadayda Dusha sare aan ku gaadhay Waxaad ii tahay dugsiiya Rajada kaliyeen daneeyo Waxaad tahay doonistayda Hankaa kugu diirsanaaya Waxaad tahay daawadayda Naftaa kugu doogsanaysa Waxaad tahay darjadayda Dusha sare aan ku gaadhay Waxaad ii tahay dugsiiya Rajada kaliyeen daneeyo Waxaad tahay doonistayda Hankaa kugu diirsanaaya Waxaad tahay daawadayda Naftaa kugu doogsanaysa Wadnahaa farxadaada doona Ka dayra adna muragadiisa Damiir jecel dabaaaldageeda Rumee adna dalabyadiisa Indhahaa jecel daymadaada Noo noqo gudcur dama nalkiisa Dubaaq raba sheekadaadee Qof ku deeq samo hiilintaadee Ahoow damacayga guusha Ahoow dumar taan ku faano Ahoow mida ii dadaasha Ogoow aniga tahay daryeela Qofaan dunidaba ka eegto Ahoow dahab ii hilaaca Ahoow damal ii hadheeya Ahoow dugsi aan ku raysto Ogoow inaa tahay dabiiba Qofaan dunidaba ka eegto Dareenkiyo wada jirkeena Dulqaad badan xeerintaada Irnaan wacan kaabidaadaa Cidbaanan ku doorsanayn Waxaa tahay doog dugsiiya Dictoor dhaya boodahayga Adaa dahriya bogayga Ooman qura i deeqa Dareenkiyo wada jirkeena Dulqaad badan xeerintaada Irnaan wacan kaabidaadaa Cidbaanan ku doorsanayn Waxaa tahay dooq dugsiiya Dictoor dhaya boodahayga Adaa dahriya bogayga Oo uuman qura i deeqa Dareenkiyo wada jirkeena Dulqaad badan xeerintaada Irnaan wacan kaabidaadaa Cidbaanan ku doorsanayn Waxaa tahay dooq dugsiiya Dictoor dhaya boodahayga Adaa dahriya bogayga Oo uuman qura i deeqa Xis aan dayn karin xuskaaga Hadeer ku daagaali maayee Hoy anaan dumar kula simayn Qod daacadahoo i daryeela Dabuubtiyo weeraheena Ku daabac xasuusta maanta Duruus weeye jacaylee Buurabdii waan ka waayee Ahoow damacayga guusha Ahoow dumar taan ku faano Ahoow mida ii dadaasha Ogoow aniga tahay daryeela Qofaan dunidaba ka eegto Ahoow dahab ii hilaaca Ahoow damal ii hadheeya Ahoow dugsi aan ku raysto Ogoow inaa tahay dabiiba Qofaan dunidaba ka eegto Ahoow damacayga guusha Ahoow damal ii hadheeya Ahoow mida ii dadaasha Ogoow inaa tahay dabiiba Qofaan dunidaba ka eegto
Queue is empty
-- / --