Aragsaneey ubixii fardawsoo
Aragsaneey aduunyada la keenaay
Afariyo tobnad bila dayaxii ilayskiyo aduunka iftiinshaay

Edebtiyo xishoodkiyo
Asluub waad u dhalatoo
Ixtiraamka gobonimo
Hore loo xushaad tahay

Ragna waxa u ayaan badan
Ninkaad ooridiisiyo
Afadiisa noqotoo
Ubad aad u dihataa

Aragsaneey indhahaygu adigay
Aragsaneey kuu ooyayaanoo
Kuu ilmaynayaane
U adkee dhankaagoo
Yay tabin ayaan qudha

Ma ogtahay aduunyadu
Inaan adiga mooyee
Naftu aanay inan kale
Aaminaynin waligeed

Exit mobile version