cirka sagal gu jiilal
saymaha xareediyo
sam-sam iyo xariira
sool iyo abaarley
aan sugaayey waligeed
saluulay i saaqde

sidiihi iyo halbowlaha
kuwa dhiiga sidaayay
dul saarnaa wadnaha oo
saarna wadnaha oo
kalgacayl ka sidataa haa

suleekhay jacaylkan
waa mid igu sifoobo
samada layla geeya

si kasteeba la yiilyo
samir qaadan waayo
jacayl igu sad weeyan

sidiihi iyo halbowlaha
kuwa dhiiga sidaayay
dul saarnaa wadnaha oo
saarna wadnaha oo
kalgacayl ka sidataa haa

Exit mobile version