Hubqaad quruxdeeda bilan
Milgaha dhaqankeeda wacan
Muunada sharafteeda badan
Ayaa muxabada igu mudan
Ku ladhay maankayga nugul

Dhisaay marwadaan jantaay
Kaalaay miciinkay kabaay
Macnaha noloshiyo libtaay

Miyirka dhimirkiyo xiskaay
Dhinaca modigtiyo bogaay
Muftaax farxada i baraay
Xaqdhawr adigaa mutee
Miyaan ku irdhayn karaa

Milicsiga bilicdeeda dhaban
Mabsuud wajigeeda furan
Midabka xubnaheeda siman
Ayaa muhashada igu ligan
Ku milay qalbigayga togan

Dhisaay mudantaan rabay
Kobciyaay maamuis sudhaay
Mansabka nasabkiyo gobtaay

Exit mobile version