kalsoonidu waa hubkiyo
hantida qofku leeyahee
hadaad tahay ruux saboola
ha yeeshe awooda eebe
nolosha caafimad ku haysta
intaada uunba yaraate
halkaaga qani ku tahay

haday intaaa kaa horaysa
rabigu hibo maal u siiyay
hoostada bal eego u fiirso
intay baahidu hadhysay
habeen ladin gaajo seexan
xamdiga hayso yaabka dhamayso

duunyoo leela lawaa dheh
hiigsiga ha yaren dadaalka
hankaaguna yaanu wiiqin
ha noqon nacastani hagayso

adoo qaday dhowr habeeno
cishado kuu sharafa liicin
nolosha ha ka noqon barbaarsha

jacaylkuna hadimadiisa
cishqiga ruux hadaad la hayso
mid kale gacan haadistiisa
ha yeelin haybaaradiisa
ogow hoosiis hadh maaha

Exit mobile version