Istaahil waxaad ku tahay
Hadaanan awoodi karin
Waxaad istareex ku tahan
Ilays ku danduumiyaa
Ilays ku dandooriyaa

Istaahil waxaad ku tahay
Handaanad awoodi karin
Waxaad istareex ku tahan
Ilays ku dunduumiyaa
Ilays ku dandooriyaa

Siduu uurkaagu rabo
Hadaanan ogaan karayn
Afkaaga intaanad furin
Ishaada inaan garto
Korkaaga ka akhriyaan
Intaa isku hawlayaa

Siduu uurkaagu rabo
Hadaanan ogaan karayn
Afkaaga intaanad furin
Ishaada inaan garto
Korkaaga ka akhriyaan
Intaa isku hawlayaa

Dhibkaan kaa awdayaa
Iinbaan kuu diidayaa
Adaan kuu danaynayaa
Adaan kuu danaynayaa

Dhibkaan kaa awdayaa
Iinbaan kuu diidayaa
Adaan kuu danaynayaa
Adaan kuu danaynayaa

Aniga dunidaydiyeey
Adaan kugu faanayaa
Intaa ku daryeelayaa
Oo aan ku agjoogayaa

Aniga dunidaydiyeey
Adaan kugu faanayaa
Intaa ku daryeelayaa
Oo aan ku agjoogayaa

Si aanad u xiiso go'in
Mar waan kula ooyayaa
Mar waan kula iidayaa
Mar waan ku adeecayaa
Oo waan ku amaanayaa

Si aanad u xiiso go'in
Mar waan kula ooyayaa
Mar waan kula iidayaa
Mar waan ku adeecayaa
Oo waan ku amaanayaa

Exit mobile version