Dhaayuhu ileen
Waxay eegayeen
Aragaaga qudha
Qalbiguna intaa
Wuxuu uumanaa
Eraygaaga wacaneey

Dhaayuhu ileen
Waxay eegayeen
Aragaaga qudha
Qalbiguna intaa
Wuxuu uumanaa
Eraygaaga wacaneey

Unugyada adaa
Ka awood badatoo
Oogadaan saraan
Ku ilwaadsanee
Hoo mulka igu jira
Qofka ururin kara
Waa adiga garo
Waa adiga garo

Unugyada adaa
Ka awood badatoo
Oogadaan saraan
Ku ilwaadsanee
Hoo mulka igu jira
Qofka ururin kara
Waa adiga garo
Waa adiga garo

Waan ku ogalee
Adna igu eekow
Ifka kuu jeclee
Wehel ii ahow
Waan ku aaminee
Ii uur samow
Waan kuu ahee
Adna ii ahoow

Waan ku ogalee
Adna igu eekow
Ifka kuu jeclee
Wehel ii ahow
Waan ku aaminee
Ii uur samow
Waan kuu ahee
Adna ii ahoow

Waan ku ogalee
Adna igu eekow
Ifka kuu jeclee
Wehel ii ahow
Waan ku aaminee
Ii uur samow
Waan kuu ahee
Adna ii ahoow

Afka show ileen
Ku amaanaya sibuu ii ogaa
Axad kale intaa maba iirsadee
Adaa igu ladhnaayeey
Afka show ileen
Ku amaanaya sibuu ii ogaa
Axad kale intaa maba iirsadee
Adaa igu ladhnaayeey

Oontiyo liqdadu ima aawanoo
Jacayl ababaybaa igu sii batoo
La,aantaa aniga nolashay i ifiyo
Iima laha udgooneey
Iima laha udgoon

Oontiyo liqdadu ima aawanoo
Jacayl ababaybaa igu sii batoo
La,aantaa aniga nolashay i ifiyo
Iima laha udgooneey
Iima laha udgoon

Waan ku ogalee
Adna igu eekow
Ifka kuu jeclee
Wehel ii ahow
Waan ku aaminee
Ii uur samow
Waan kuu ahee
Adna ii ahoow

Waan ku ogalee
Adna igu eekow
Ifka kuu jeclee
Wehel ii ahow
Waan ku aaminee
Ii uur samow
Waan kuu ahee
Adna ii ahoow

Waan ku ogalee
Adna igu eekow
Ifka kuu jeclee
Wehel ii ahow
Waan ku aaminee
Ii uur samow
Waan kuu ahee
Adna ii ahoow

Waan ku ogalee
Adna igu eekow
Ifka kuu jeclee
Wehel ii ahow
Waan ku aaminee
Ii uur samow
Waan kuu ahee
Adna ii ahoow

Exit mobile version