haragaha qarban la jarin
mareegaha la siku xidhay
qaarban xoog lagu furfurin
xadbaa jira aan la giyn

xeryaha qaarba la galin
xisaab la isku darin
wixii dhaqan xeera iyo
diinta la xaalufin karin

xaaranba lagu dagdagin
xalaaladu quudataa
xiskiyo maan lagu hayaayo
xal dheeridu waa muhiim

xiisuhu yuu kula fogaan
xurmiyo sharaftana ogow
xogtiiyo aad bixisiyo
xasuustii dib ugu noqo

xidiga sheekada xanibay
xakame faras lagu xidhaa
xaaja geel loola taga
xumaha laga gaabsada

xaaranba lagu dagdagin
xalaaladu quudataa
xiskiyo maan lagu hayaayo
xal dheeridu waa muhiim

Exit mobile version