Ma ogtahay saafiyeey
Jacaylkii sanado badan
Silsilada laf dhabartiyo
Wadnahayga sahansaday

Intuu igu siyaaday
Saw halista beerkiyo
sadrigiyo naftuna
Adi kuma sugayaan
Kugumana sahwiyayaan

Soo soco macaaneey
Sina ha iiga dheeraan
Ha sal dhigo jacaylkuye

Ma ogtahay saxarlaay
Gabdhaha soomaaliyeed
Adaan kaa suntadayoo
Dookhuna i kaa sudhay

Adna sahashi daayo
Wacadkana ha sii dayn
Ha saluuginoo
ha sagsaagin caashaqa
Sidaan rabana qiimee

Exit mobile version