daaloo caleenloo
gugu dirirka cawleed
caadiyo daruur iyo
ceeryaamo kaga tagay

badhan cidhifyadeediyo
cosobkii midhiishiyo
dooxada casuurana
cirku hooray waabari

canab baxay la moodii
dhulka ceeri gaabiyo
cimilada sanaag bari
ruux kula caweeya
cawo iyoonasiib badan

dusha ceel afwaynoo
inta cuudku dayr dhalay
dadku caano iyo nabad
culayaan hadhuub badan

cawskiyo tikaadana
nuurkii cadceediyo
casar moodu qabatoo
cuskadeen falaadhuhu

Exit mobile version