VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Waaya arag - Lyrics

Mar hadaan wakhtigu Waayaha ku barin Waxba kama jiraan Waxaad soo martoo Noloshiyo wacdiga Waayo arag ma tihid 2× Dharaaruhu waa sidee Waa wada mushkilad Warwar badan aduun Maxaa warar tagoo Walaal aad jeclayd Waagii baryaba Godka lagu wadaa 2× Weynu mooganee Geeriyo wadkaa Cibro iyo waxsheeg Waano kuugu filan 2× Bari waxaad cuntiyo Ha ka webin irsiqa Wixii weyne qoray Waxaad haysatuu Wax ku leeyahee Ha ku wiirsan ruux Wey uu hadhsadey 2× Is weydaarka dhaca Beribuu waxnaan Adaa waayi kara Wey isadaa fakhriga La wareegi kara La wareegi kara 2× Waligaa ha nicin Ha nicin ha nicin Ha weydiin abaal Ruuxa kugu warwara U weynee qalbiga Jacaylkana oodiyo Ha u noqon wax saar 2×
Queue is empty
-- / --