gu'yaal taan raadkeeda guraay
darteed u gudeen gayiga u maraay
abdoo gacalooy gacalooy
gacalooy gacalooy gibada ila dheel

gayaanka waxaan gees uga leexdoo
jacaylkan i gubay u gogol xaadhaba
hantiyay guushee guuleed guushee giblada ila dheel

waxaad tahay gaari geesi dhaloo
inaad gobtahaan golaha ka qiree
gaawaha u culoo giblada ila dheel

garaad sami GUULE kuu dhaliyaa
cawaysiyo gaaf ku sugay guurkee
gudoomaye godolka soo maal

gashaantimihii geeskii afrikaay
guudkaad dabatoo garays xidhatee
gacanta keenoo keenoo
keenoo keenoo giblada ila dheel

gibisha dhaqankeena golaystay anigu
gadaal anigoon ka marin gaarosoo
go'aad sidatiyo sidatiyo sidatiyo guntiga ha ka tagin

waxaad tahay gaari geesi dhaloo
inaad gobtahaan golaha ka qiree
gaawaha u culoo giblada ila dheel

garaad sami GUULE kuu dhaliyaa
cawaysiyo gaaf ku sugay guurkee
gudoomaye godolka soo maal

Exit mobile version