muhashada jacaylkii
laabtayda marisaa
i miraaqinaysoo

waxaan ahay naf mahadhada
kalgacalka miratoo
maalin iyo alaylkeed
muuqaaga doontee
ma ogtahay

adoon iga maqnaanayn
macaanow
meel yarna iga tagayn
macaanoow
waa maraad jacaylkuye
siduu iigu kaa maray
adna mataanaw macaanow

sidaad tahay maniyo ubax
iyo meel ugbaadloo
mahiigaan ku taagsaday

ayay milicsiga dhaayuhu
daa'uus la moodyow
muhashada xasuusta leh
la muraaqo ooyaan

Exit mobile version