mininkiinii anigaa yimidee kaw dheh
marti iyo kal baan ahaye laba dheh
ileen xaajo madaxiyo
mijo kala lahaatee
marinkay wuxuu yahay
waa inaad marisaa
adna inaad masuul tahay
maankaaga galisaa
waxaad maqashay ee dhacay
muuqaaga iga jaray
macnahooda ii sheeg

mininkayga hadaa timide heedhe
marti sharafleh ayaa tahaye heedhe
maxaa xaajo maaree
iyo keeny murugada
ma anigaa ka dhacay
marag maad u haysaa
mise waa mudaa,inoo
misane aad aaminayn
waxaa kaaga maqanay
meel dheer ma joogine
muraadkayga gaarka

Exit mobile version