Mid xun lama amaano
Cala looma saaro
Midna lagama heesee

Cod kar weeeye gabadhuye
Iqra waxa loo idhi
Ka caaganaanta xumaha oo
Kaa caqli badan tahay
Laha maanta caanka oo
Waa caynad gooniya

Caradaynu joogniyo
Ilaa cidhifka dunidana
Caynkeeda oo kale
Lama keenin dunidoo
Wali cagaha may dhigan

Calaamado u gaariyo
Qiime eebe siiyay
Ku caysta dadkeedoo
Cisha qudha waalidkeed
Kama cadaysee

Ninkaa calaf ku yeeshee
Loo wada ducayshee
Cariurtiisa celisana
Cawo iyo ayaanleey
Cawo iyo ayaanleey

Ana waxaan codsanayoo
Cishqi alif kun jeer
Caadil uga baryaaya

Cimri dheer cibaado suuban
Iyo ubad ciseeyaa
Cimri dheer cibaado suuban
Iyo ubad ciseeyaa

Exit mobile version