Ubaxii jacaylkaa
Adaa iga istaahila
Amaaniyo bogaadin
Hoo iga hoo x2

Axad iyo xalaashee
Walidkeed aslubtiyo
Anshaxiyo hidaha
Baray x2

Oori nimaad unoqota
Allaylehe ayaan iyo
Nasiib lee x2

Indho iyo indho is
Jecel isku aragti
Weeyaan ku arkaye
Makula tahayeey
X2

Iliiliyo war xooloo
Intuu aara roob helay
Dhibta lagu ilaawoo
Lagu oon baxay x2

Ayaad iiga dhigan
Tahoo eegmada
Jaleecada indhahaa
Ku doogsada x2

Oori nimaad unoqota
Allaylehe ayaan iyo
Nasiib lee x2

Indho iyo indho is
Jecel isku aragti
Weeyaan ku arkaye
Makula tahayeey
X2

Exit mobile version