baal goray haldhaa iyo
iyo dahab la moodyey

buuraha dhexdeeniyo
badayaal intuu dhuro

bari laga gudbaa iyo
ban cidla laga wada dhigaa
bakhalool ku beegsadoo
baladkaygii hooyiyo
barta ay ku noshahay
baxsanaan allahayow
nin ku waa bariista

anigoo bukaan qabin
boqol jeer habeenkii
baadi doonka awgaa
baholyoga caashaqa

inta aan baraarugay
saw bilicda daymada
eegmada kuma badin
baledkaygii hooyiyo
barta ay ku nooshahay
baxsanaan allahayow
nin ku waabariista

Exit mobile version