Sida meel barwaaqa ah
Oo buura dhaadheer
Wabi baal maraayoo

Barbarkana Daruuruhu
Kaga beegan yihiino
Waaguna baryaayoo

Bardihii magooliyoo
Ubaxii gadaal baxay

Balanbaalis qalin maleh
Balanbaalis qalin maleh

Hadba laan ka boodaa
Adna ii bildhaantaa

Biligtaadu waa taa
Kalgacaylka beerto
Bilicdaad wax dheer tahay

Meel baad ku hooro
Maageen baldhiilihu
Maadhiyo bandhowluhu

Baarka ay isku soohdeen
An bahal ugaadh iyo
Baryahaa dad soo marin

Oo wali bur laga goyn
Biyuhuna qulqulayaan

Sida loogu oon baxo
Sida loogu oon baxo

Yaan kugu badhaadhaa
Adna ii bildhaantaa

Biligtaadu waa taa
Kalgacaylka beerto
Bilicdaad wax dheer tahay

Hawd iyo bannaano
Beeshu nabab bariisada
Barqinaysa maalko

Ay bari samaatay
Dhalintiyo barbaartuna
Dhaantiyo balooley

Bulsho gago’ u qowsteen
Sida loo beerraqo
Subaxaan ku booqdaba
Subaxaan ku booqdaba

Yaan kugu badhaadhaa
Adna ii bildhaantaa

Biligtaadu waa taa
Kalgacaylka beerto
Bilicdaad wax dheer tahay

Exit mobile version