bildhaan lagu bushaartaay
midab baalaleeyeey
boqol dumar ka mudaneey

timo baar madoobeey
biyo dahab la moodyeey
bustaan doog la ciirtaay
nolosha baalasheedaay

waxaad tahay bishaarooy
barbarkayga midigoo
midii aan u baaqee
u bayaanshay caashaqa

bilaneey barwaaqooy
beer lulada la sheegaay
barniyeey bulcaadooy
biligii hankaygiyo
huunooy boqoradiiyeey
burji iyo burhaaneey

nafta baalaheediyo
bukaan arag daweeyaay
huuno baashiheeyeey
bu'da wiilashoodaay
beerkayga tiilaay

Exit mobile version