naf jacaylku yadaystiyo
niyad caashaq yeeshaa
naanays raaciyo
nacasnimo ka dhawraa

nudaygayga ruuxii
waayaba nuglaystiyo
nacabkiyo colkaygaan
noolaada leeyahay

nasrigan sugaayiyo
nimcadii RABAA iman
nujubkiina guuryoo
soo nuurtay guulshii

markuu nabar gaadhaba
waa igu nayaayiraa
nacab uguma qaadee
cafiskaan la noolahay

nasiibiyo wax ii qoran
noole weecin maayee
nabdigayga xumahiyo
naxligaan ka dhawraa

Exit mobile version