Fiyoori xila samaadeey
Facaa adigaa ka roonoo
Fahmadi kalgaceylka berkaay
Furihi nolasheydu waa adi

Adaa dumarkaba far dheero
Markaan ku arkaan farxaayo
Qalbigu adi fiicnidaaduu
Fiyoobiyo ka helo nasiino

Halbowlaha dhiiga fidiyay
Qof yhy adigaa ku faafoo
Isheeyda fiirintaadeey
Jaceyl falsafada ka qaadoo
Faleenbaa iigu kaa mudane

Fiyoori xila janaad
Filkaa adigaa u wacanoo
Wadnaha feedhiisa bidix iyo
Qalbiga adigaa ku faafee

Adaa lafa galay darenka
Qalbiga furihiisa heysta
Firaashkuna kuu dhax yaala
Adaan ka fogaan nafteyda
Adaan ka fogaan nafteyda

Halbowlaha dhiiga fidiyay
Qof yhy adigaa ku faafoo
Isheeyda fiirintaadey
Jaceyl falsafada ka qaadoo
Faleenbaa iigu kaa mudane.

Lyrics by: Abdi deeq

Exit mobile version