asluub wacan ooridaydaa
eyed badan ehlu khayre
ilays baxay oon damayn
naq iyo ubaxuu is gaadhay

ugbad baxay oo iftiimay
indhaha aragyga nuurkaay
adeecay odhaah samaantada
dhaxalka isirkaaga weeyi

adaa hodaneey ideeqa
adaa samir ila agjooga
rajada noloshana adkee
alle ducadeena aqbalayee
daweeyaay ubad u roon

ilawadsan haween ka rooney
ayaaha ruuxdiyo naftaydaa
nimciyo neecaw udgooniyo
naqiyo doog soo baxaay

akhlaaqdiyo dhawrsanaanta
xubnaha asturane ilhaansan
ayaa dunibada ilaawaa

Exit mobile version