sidii meel roob ku hooray
rogaal celiyeen daruuruhu
ramasiyo doog is gaadhay

rahiyo shinbiruhu is daajin
qalbiga raacayoo jeclaaday
ruuxbaad tahay loo hilaabay

inkastoo naftu kugu riyaaqday
iqraay kaa daba ruclaysay
runtaa ah lama huraane

runbaa rajo kugu sugaysa
runbaa riyo kugu tabaysa
ragbaanad u qaybsanaynin
kunbaa RABI kaa baryaysa

sidii ramad dhalay barwaaqo
rucubta hoobaan bislaatay
timo ruxayaan dabaylo

kasoo raaraca madheedhka
sidoodii dumar ka rooneey
rugbay kuu tahay quluubtu

inkastoo naftu tahay rabaayad
iqraay adiga uun ku raadin
rasmigaa ah lama gafaane

Exit mobile version