Muxuu nabaarka
Caashaqu ii geystay
Naafada inanyahay
Oo nuduufta hooyiyo
Naxariista aabiyo
Inta Gacal dadkaygii
Joog igala noogeenee
Oo nabadaa dhexdeenaa
Oo uu ilaahay inan yahay
Ii jabay cadaawahaa
Markaad ii nuglaysayoo
Ifkaa tobanka nooca hoo
Nabsi baa adeegee
Waxaad nabad hurudaba
Nabar lamaa filaaniyo
Naxdin daris ma noqoteen
Nasiibkaa ma kulanteen
Ana mayska noolahay Inantaay?

Muxuu nidiirka haaruhu
Nadi aniga iladhacay
Oo nuduubta Haarahu
Dhakhtarada i muujeen
Waa nacas Kalgacalkuyee
Muxuu igu nagaashaday
Oo nabadaa dhexdeenaa
Oo uu Ilaahay inan yahay
Ii jabay cadaawahu
Markaad ii nuglaysayoo
Ifkaa tobanka nooca hoo
Nabsi baa adeegee
Waxaad nabaad hurudaba
Nabar lamaa filaaniyo
Naxdin daris ma noqoteen
Nasiibkaa ma kulanteen
Ana mayska noolahay Inantaay

Exit mobile version