sidaan ku arkaa ku socday
jaceyl sadrigii abaaay
anoo kula simin haweenka
dhasiifbaan kugu jeclaadey
ayaan sooo dhigin hortaada
saldhigu qurxudaada weeye
sasan tu qalbigaaga weeye
cidrigu soodintaada weeye
xishoodku sarahaaga weeyi
samaantu wehelkaaga weeyi
sagaalkan ku tilmaaman
taariikhda sumad ku yeelan
suleekha adigaa labeyn
safkaa quruxdaad hogaamin
sareeya ubaxii jaceylka
qalbiga sanduuq kal gaceyl ku yeelo
sidaad u eegatahaad ideeqday
caashaqa saanyaday naftayda
anoon sian kaaga maarmayn
dhowr sadar kugu tilmaamay
ayaan sina iga go ayn
sumcadu sharaftaada weeye
sooryadu ubaxaaga weeye
suuradu jaahaaga weeye
asluubta ku saaran weeye
saluugle caashaqeena weeye
sagaalka ku tilmaaman
taariikhdaad sumad ku yeelan
suleekha adigaa labeyn
safkaa quruxdaad hogaamin
sareeya ubaxii jaceylka
qalbiga sanduuq kal gaceyl kuyeelay

Exit mobile version