wad haduu jacayl yahay
ama uu wax dili karo
warmo iyo waabay leyahay
waa horaan dhiman laha

ilayn anigu waligay
waan waheshanaayiyo

wanaag inan ka dhaafo
ku wacnaado mooye
kuman arag wax yeelada

haduu wali jacayl yahay
ka waraabi nooluhu
ama ceel u yeedho
wabigii goaayiyo
wabax baan ka noqon laha

waqay adigu taajiray
waqalkiisu ima dayn
wahankiisu ima dayn
waabaydiisu ima dayn

wanaag inan ka dhaafo
ku wacnaado mooye
kuman arag wax yeelada

Exit mobile version