Dhabanaan cishqigu
Ruuxa uu la dhaco
Maba dhuuman karo
Markuu dhalan rogee
Adaa igu dheer
Dhuuxiyo lafaha
Ku dhex noolidoo
Waad dhalaalisee
Dhudiyeey kalgacal
Maanta igu dhamaa
Anba dhiig ma fogee
Jacayl wuu idhamay
Dhoomaha qalbiga
Magacaa ku dhigay
Sidii dhoolka kuga
Dhibic soo rax tidhi
Dharaartii kastaba
Waa ii dheelmadoo
Waxaan dhiiran laa
Qalbigoo la dhayo
Dhibtan aan qabana
Maahee udhalan
Waa jacayl dhabtii
Loo dhugan horeba
Kugu dhaatay adi
Markii aad dhambaal fariin soo dhigtee
yuu dhicin dhankaa

Exit mobile version