jacayl yohow heesahaaga hal hayskiyo maansadaada
hoyaalee gabayadaada abwaan hal abuur sameeya
ayaan ku xidhoo hankayga
waxan ku hirtaa agtaada halkuu magacaagu yaalo
ayay ka heshaa naftaydu hadaad hadalka iga goyso
hurdada waan waayayaa e
inaan kuu soo hiloobo haraad anigoo la liita
oo hanfiga kuu soo dhex qaado hubaal weeyee garawso
jacayl yohow haw lahaaga quruxda haasawahaaga
hingaadiyo luqdaada markaan helo sheekadeeda
humaagiyo muuqa eego
sidii hirar soo butaacay ayaad qaada hankayga
waxan ku habaa naftaydoo humaagiyo aragtidaade
miyaad ii hiilin maanta

Exit mobile version