Maraan seexday fiidkii
Waxbaa ila faqoo
Soo fariiso igu yidhi
Ii dhiibay fariin culus
Fikir igu abuuryoo
Anigoon filaynbuu
fajac iigu yimiyoo
Igu ganay falaadh daran
Sidaan kuugu faanee
Macaan kuugu foognahay
Ila fuli jacaylkoo
Famil aynu noqonee
Cishqibaa hoheey igu fidoo
Waxay talo ku fiicnayd
Intaynaan fogaaniyo
Dadkuna faalayn
Waa mid iga fac waynoo
Sidii ruux la falaybaan
Waanigan fayoobayn
Iga furo dhibaatada