naftaan igu saraysaa oo
sina iga harayninee
ku sifowday wanaaag badan

iyada u sababa
sida tahay xaqiiqdii
jacaylka sanado badan
xubnahayga saaqay

sow geedka muuqiyo
midabkaaga saafiga
salaloo la aantaa
naftuu way siloontahoo
samri wayday owgaa

dumar gaba samanadan
safka kuwaa ku jira
iyadaa ka sidatee

samirkiyo dulqaadka
loo buuxshay saabkoo
ciidhiyo samaanta
waxa siisto waayay

Exit mobile version