Saacadaynu joogniyo
Wixii tagay sanado hore
Suurad admi leeyahay
Oon adiga kula simo
Indho cidi mabaan saarine

Sagaleey waxaad tahay
Midii ugu saraysoo
San ku neeflahoo idil
Dhabtii waad u sidataa
Sagaleey mcn waad u sidata

SAATIRKAANU barinayee
ILAAHAY hakugu simo
Sidaad adigu jeceshahee
Ifka samo ku sii joog macaaneey

Dhulka sabo barwaaqo ah
Hawlwadaag salkeediyo
Soohintaad ku ababtaa
Wax la siistaa jirinoo
Ahayd gole suldaanee

Sal fudayd umaad dhalan
Se niyadiyo waxaa helay
Marwo suubanoo wacan
Ninkaad say u noqotaa

Exit mobile version