Waa been jacayl
Anigaa bartoo
Mudo baaraye
Bugaagtuu lahaa
Baal kastaba rogoo
Waa been jacayl

Ka baraan dagoo
Bulukuu noqdee
boodharibuu dilay
Waa been jacay
Qaysbuuba dilay
Eaa been jacayl

Waa been jacayl
Waa bar kuma taal
Wax bilaasha iyo
Maaweelo badan
Waa been jacayl

Waa been jacayl
Waa maaweelo badan
Iyo baab qarsoon
Waa balaayo oo
Waa wax laga baqoo
Boogbuu noqdaa

Bari iyo galbeed
Baalkastaba tagoo
Boodaribuu dilay
Waa been jacayl
Qaysbuubu dilay
Waa been jacayl

Exit mobile version