Wali layli baa tahoo
Laan baxaysoo
Ilbaxnimaa kuu haysoo
Laydhbaa ku sidatee

Wakhtigaaga luulkee
Inta aanu kaa lumin
Lafaliiji oo celi

Hadii kale lug iyo faras
Labadaba ku duuloo
Waa waxaad la lulataa

Wali liin baxdaa tahay
Iyo legi caleen loo
Libaax nimaan ogaynba
Lax ka rita sudaadee

Dhabanadan labeenta leh
Intuu leefay fuuruhu
Ka falaliijiyo tabar

Hadii kale lug iyo faras
Labadaba ku duuloo
Waa waxaad la lulataa

Exit mobile version