Rayiga dumar waa riyee
Waxaa wacadkeenii rogay
Miyana raagoori baday

Jacaylkii la igu raray
Wuxuu raran ila dhex maray
Gucliyo orodbaa idilay
Hayeeshee waxaan rabaa
Rakada goormaan u baxaye
Hayeeshee waxaan rabaa
Rakada goormaan u baxaye
Rabiiryeen rays ka helay
Rabiiryeen rays ka helay
Rabiiryeen rays ka helay
Rabiiryeen rays ka helay

Aduunyafu raad ma lahoo
Raqdeedaa muuqatoo
Dhib iyo dheenbaa jiree

Rugtani waa gaarayoo
Rugtani raaski la dagay
Rag kale kuu talinayaa
Hadii aanad raacsaneyn
Hase aadan raali noqon
Hadii aanad raacsaneyn
Hase aadan raali noqon
Miyaa lagu ridan lahaa
Inaneey
Miyaa lagu ridan lahaa
Inaneey

Exit mobile version