Salashoo naftaydii
Sahwiyoo jacaylbaa
Sadihii dhameeyee
Sadihii dhameeyee

Haday seexan lahaydna
Sawirbaa hor yaaloo
Tusbaa lagu abuuraa
Hurdadiiba seejee

Seetadii kalgacalkaa
Sinta iigu marantee
Alahayoow
Alahayoow sidii roon

Safarkii jacaylkee
Sahaligii dhaqaaqaan
Soo rogaalin waayee
Soo rogaalin waayee

Sidii aan hilaayay
Wey dhamaani weydoo
Gabadhaan sugaayayna
Waaba la iga sababee

Seetadii kalgacalkaa
Sinta iigu marantee
Alahayoow
Alahayoow sidii roon

Exit mobile version