Hadaad garan weydo sharaf
Hadaad garan weydo sharaf
Inaan nahay gayaan ku jecel
Gododloow yeelkadaa

Heey yaa aadoy huunoy yaa
Ala hubaaligay hoobalow waa
Heey yaa aadoy huunoy yaa
Ala hubaaligay hoobalow waa

Dadow fiirshay fakarkayga
Waa fidmo joogtoo ma fayooba
Dumarkaaba fududaaday
Markii fiidkii la faqaayay
Falkiisa furfurayay may tiraahdo
Ka fogow oo far ha isaarin
May tiraahdo

Hadii aan garan lahaa
Hadii aan garan lahaa
Jacayl geedkuu ka baxo
Guntiisaan goyn lagaa

Heey yaa aadoy huunoy yaa
Ala hubaaligay hoobalow waa
Heey yaa aadoy huunoy yaa
Ala hubaaligay hoobalow waa

Nin dhashiisii ka dhaqaaqay
Ma fayooba
Oo dhulkiisii dhiig ku daadshay
Ma fayooba
Oo dhibka dhacaaya dhagihiisa
Ka furaystay ma fayooba

Ma fayooba ma fayooba
Ma fayooba walee ma fayooba
Ma fayooba ma fayooba
Ma fayooba walee ma fayooba

Hadaad boqol guursatiyo
Hadaad boqol guursatiyo
Hadaad guri hore lahayd
Gododloow yeelkadaa

Heey yaa aadoy huunoy yaa
Ala hubaaligay hoobalow waa
Heey yaa aadoy huunoy yaa
Ala hubaaligay hoobalow waa

Dadow fiirshay fakarkayga
Waa fidmo joogtoo ma fayooba
Dumarkaaba fududaaday
Markii fiidkii la faqaayay
Falkiisa furfurayay may tiraahdo
Ka fogow oo far ha isaarin
May tiraahdo

Yarka lagu gaabshayoo
Garashadu waa hibee
Yarka lagu gaabshayoo
Aduun waa galaba cayn

Heey yaa aadoy huunoy yaa
Ala hubaaligay hoobalow waa
Heey yaa aadoy huunoy yaa
Ala hubaaligay hoobalow waa

Ma fayooba ma fayooba
Ma fayooba dumarkuna
Ma fayooba ma fayooba
Ma fayooba dumarkuna
Ma fayooba

Exit mobile version