qayrkii raga kacay kii aan ka qaatoow
qalbigaad ku wayn tehee jacayl qaabo
ha sii dayn
xushmadaada qadariyoo qaayihii naftaydow
quudkii kaaga go ayee ha iga quusan waligaa
jacayl aan lagu la qaban macaan wuu qadhaadhyahe
markuu yahay qof kaligii qiima yeelan maayee
ha igu eegin qaxarkee ila qaybso gocashadaa
cishqi ka quusan maayee qisaduu i mariyaa
iiga daran midii qays miyaan qarin karaaya
qarawgaa habeenkii qaatibaan ka joogaa
qal qalkaad abuurtaa naftu qaadan waydee

Exit mobile version